Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Date:

Munaasabadan oo ay xilka kula wareegayeen Wasirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cali Maxamed Bagadi ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahad Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirkii hore ee Ganacsiga Eng Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirudaha Wasaaradda ganacsiga oo markale dib xilkan loogu magacaabay , shaqaalaha Wasaaradda, Ganacsato iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Soomaaliya Eng, Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomaday Wasaaradda mudada uu joogay, oo ay ka mid ahayd hirgelinta sharciyo muhiim u ah ganacsiga iyo heshiis caalami ah, isagoo ganacsatada ku booriyay inay la shaqeeyaan madaxda cusub ee Wasaaradda,

Wasirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Somaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed sida ay markasta uga shaqeeyaan kobaca dhaqaalaha dalka iyo garab istaaga dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa la guddoonsiiyay Shahaado sharaf oo ay u garteen shaqaalaha Wasaaradda, waxaana sidoo kale abaalmarino la guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeenada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda Ganacsiga.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...