Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray Cadaado.

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan “Xijaar” iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa dhawaanahaan waday u kuurgelidda, qiimeynta xaaladaha amniga iyo kormeerka xarumaha boolisa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan “Xijaar” ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin madaaxtooyada Cadaado iyo Saldhiga booliska magaalada Cadaado halkaasi oo uu dalacsiin ciidan uu ka sameeyay taliyaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xasan ayaa maalmaha uu joogo magaalada Cadaado waxa uu kormeer ku tagi donaa goobaha ciidanka magaalada Cadaado iyo deegannada hoosyimaada.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...