Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo xilka u kala wareejiyey qaar ka mid ah wasiirradii dhawaan la magacaabay.

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula wareegeen wasiirrada cusub ee wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -udhiska mudane Maxamed Aadan Macallin, awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha mudane Cabdikariin Ashkir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka soomaaliyeed.

Dhankooda, wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas qaran.

Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo Masuuliyiinta wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay Qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan.

Wasiirada xilka wareejiyey ayaa kala ah wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane sadiiq warfaa, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Deeqa yaasiin Xaaji, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...