Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo xilka u kala wareejiyey qaar ka mid ah wasiirradii dhawaan la magacaabay.

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula wareegeen wasiirrada cusub ee wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -udhiska mudane Maxamed Aadan Macallin, awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha mudane Cabdikariin Ashkir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka soomaaliyeed.

Dhankooda, wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas qaran.

Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo Masuuliyiinta wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay Qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan.

Wasiirada xilka wareejiyey ayaa kala ah wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane sadiiq warfaa, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Deeqa yaasiin Xaaji, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...