Wariye ka tirsan warbaahinta Qaranka oo ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ah ee Muqdisho.

Date:

Wariye Cabdulqaadir Ciise Cali oo ka tirsan warbaahinta Qaranka ayaa ku guulaystay caawa abaalmarinta sida sanadlaha ah loo bixiyo ee lagu abaalmariyo shaqsiyaadka iyo hay’adaha kale ee bulshada wax u qabtay, waxaana isaga lagu xushay hawlkarnimadii uu shaqada warbaahinta ka sameeyey 12-dii bilood ee ugu dambaysay.

Cabdulqaadir oo ah wariye si gaar ah uga soo warama arrimaha garsoorka ciidamada, islamarkaana tabiya warbixino maqal iyo muuqaal ah oo ah baaris uu ku sameeyey dhacdooyinka la dagaalanka Al-shabaab, hawlgallada ciidamada iyo ka digista dharaha xagjirka ayaa lagu bogaadiyey sida dhiirin ee arrimahaasi xasaasiga ah uu uga warramo.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Cismaan Abuukar Dubbe, wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Al-cadaala, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo bahda saxaafadda ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa u hambalyeeyey wariye Cabdulqaadir Ciise, waxaana ay ku booriyeen inuu sii wado shaqada adag ee uu dalka u hayo.

Abaalmarintan waxaa hore ugu guulaysatay wariye Nasra Bashiir Cali oo warbaahinta Qaranka ugasoo waranta xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...