Wasaaradda Beeraha XFS oo Tabobar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaheeda+sawirro.

Date:

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed u furtay xubno ka kala socday wasaaradda iyo kuwa maamul goboleedyada

Aqoon kororsigan oo ay ka qeyb galeyn Qaar kamida masuuliyiinta  iyo shaqaalaha wasaaradaha beeraha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed  ayaa u jeedkiisu ahaa sidii xog is weedaarsi iyo fahan fiican looga heli lahaa shaqooyinka ay qaban doonto Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaarada beeraha Soomaaliya hadana sharcigeedu horyaalo xildhibaanada golaha shacabka oo marsiiyay aqriska koowaad.

Agaasimaha Qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda beeraha Soomaaliya Maxamuud Yaasiin Cartan ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim yahay isla markaana loo baahanyahay inay si wadjira uga faaiideystaan xubnaha ka kala socda Wasaarada beeraha ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka Soomaaliya Xaamuud Cali Xasan oo tababarka furay ayaa xusay in Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha ay muhiimad weyn u leedahay dalka maadama ay  sahli doonto In la koontaroolo cuntada dalka soo gasha iyo kuwa ka baxa intaba.

          

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...