Heshiis nabadeed oo beelo walaala ah ku dhexmaray Matabaan.

Date:

Saraakiisha Ciidamada Booliska dagmada Mataban iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wada-dega.

Maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha heshiiska gaaray ayaa maalmo ka hor iska horimaad sababay dhimasho waxaa ay ku dhaxmaray deegaanka bacda ee duleedka Matabaan, waxaana markii dambe kala dhex-galay ciidanka Xoogga dalka.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in mudo bil ah lagu bixiyo diyada dadkii ku dhintay dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore, sidoo kale odayaasha labada dhinac iyo laamaha amniga ayaa ku ballamay in la ilaaliyo nabadda oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara in ay soo laabtaan dilalka la xiriira aanooyinka qabiil.

Saraakiisha ka socotay ciidamada Booliska  ee dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hir-shabeelle ayaa faray labada dhinac inay dhaqan galiyaan hishiiska ay gareen, islamarkana dadka daggan degaannada lagu dagaalamay ay nabad kuwada noolaadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka 

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer...