Wasiirka arrimaha gudaha oo qado sharaf u sameeyay saraakiisha Booliiska+sawirro.

Date:

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dib u heshiisiinta (S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax) ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Qadada ayaa ka dhacday Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska ee S/Guuto Maxamed Abshir Muuse, Iyada oo Saraakiishu ay Xarunta ku Soo dhaweeyeen Wasiirka oo ay la socdeen Wasiirada Amniga Gudaha (Mudane, Xasan Xundubeey) iyo Cadaalada G/Sare Cabdulkadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Gudoomiyaha Xarunta Barbaarinta S/Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ugu horay hadal ka qaatay, ayaa ku Soo dhaweeyay waftiga oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano, iyada oo loo mahadciyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo lahaa hal-abuurka iyo fulinta dhagaxdhiga Xaruntaan.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska oo isna joobta joogay ayaa Soo dhaweeyay, una mahadceliyay Wasiirka. Intaa kadib, ayeey carruurtu Soo bandhigeen fankooda, waxaana markiiba loo dhaqaaqay in waftiga lagu Soo warejiyo qeybaha, hooyga, waxbarashada iyo dhamaan laamaha haqab tirka Xarunta Barbaarinta caruurta.

Ugu danbeyn Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa goobta ka balanqaaday dhismeyaal ay jeebkooda ka bixinayaan oo si mutadawacnimo ah loogu kordhinayo Xarunta, Sida dhisme guryo iyo qeybo kale oo mihiim ah.

                    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...