Isbitaalka xoogga dalka oo tayadiisa lasii horumarinayo+sawirro.

Date:

Saraakiil ka tirsan  howlgalka tababarka ciidanka Soomaaliya ee midowga Yurub ayaa booqday goob loogu talo galay qashinka oo laga dhisayo isbitaalka xoogga.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ah mid lagu  dhisayo meel lagu burburiyo haraaga agabka caafimaadka ee isbitaalka loo isticmaalo sida cirbadaha,daawooyinka iyo kiimikada loo adeegsado nadaafadda.

Saraakiisha midowga Yurub waxay sheegeen in talaabadan ay gacan ka geysaneyso sare u qaadida adeegyada caafimaad ee isbitaalka.

Qashinka isbitaallada ayaa haddii aan la burburin waxaa ka dhalan karta halis caafimaad oo weyn taas oo dadka iyo deegaankaba saameyneysa.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...