Puntland oo raadineysa Dadkii dilay Kaaliye Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus).

Date:

Magaalada Garoowe xarunta  Puntland waxaa xalay lagu dilay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) oo kaaliye ka ahaa Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka ee Maamulkaas.

Jaamuus ayaa la dilay xili uu usii socday hoygiisa  waxaana lagu toogtay meel aan sidaas uga fogeyn Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgal ay ku raadinayaan kooxdaas toogatay Kaaliyahaan katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Inkasta oo aysan warbixin rasmi ah kasoo saarin natiijada kasoo baxday howlgalkooda oo ujeedkiisu ahaa soo qabashada dadkii dilay Garyaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad gacanta ku jira.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laamaha ammaanka faray in ay adkeeyaan amniga xarunta maamulkaas oo dilal & qarax lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal uu ka dhacay.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay ka kulmay qorshaha sugidda amniga Magaalooyinka Garoowe & Boosaaso oo martigelinaya Doorashada kuraasta saami ahaanta uga soo aaday labada Gole ee BFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...