Madaxweyne Trump oo qirtay in Koonto uu ku leeyahay bankiyo kuyaalla Shiinaha.

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu koonto ku leeyahay Bankiyo ku yaala dalka Shiinaha, sida uu baahiyay wargeyska caanka ah ee NEW YORK TIMES.

Koontada Trump waxaa maamulaya waaxda Hotelada caalamiga ah ee Trump, waxaa uu bixiyay canshuur 2013 ilaa 2015 sida ku cad warbixinta wargeyska.

Madaxweynaha ayaa ganacsiga dhanka Hotelada ku leh dalal badan oo Asia ka tirsan, Trump ayaa si weyn uga soo hor jeeda ganacsiga la la xiriiriyo Shiinaha arrintaas oo abuurtay dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dhinac tan iyo intii uu xafiiska yimid.

New York Times ayaa arrintan ku ogaatay markii ay heleen diiwaanka canshuur bixinta Trump taas oo ka kooban midda ganacsigiisa iyo shakhsi ahaantiisa.

Wargeyska ayaa horey u baahiyay canshuur bixinta Trump oo gaaraysa 750 dollar intii u dhexeysay 2016 ilaa 2017, isagoo Bankiga Shiinaha oo uu koontada ku leeyahay laga bixiyay 188,561 dollar oo canshuur ah oo la siiyay Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa si weyn uga ad adag mark ay timaado arrinta Shiinaha, qodobkan ayaana ah mid muhiim doorashada sadexda November dhici doonta taas oo ay ku loolamayaan Trump oo jamhuuri ah iyo Joe Biden oo dimoqraadi ah.

Maamulka Trump waxay Biden ku eedeeyeen in wiilkiisa uu xiriir ganacsi la leeyahay Shiinaha.

Alan Garten oo ah qareenka shirakadaha Trump ayaa New York Times u sheegay in waaxda Hotelada Trump ay koontooyin ku leeyihiin Bankiyo Shiinaha ku si ay u bixiyaan canshuurta lagu yeesho, isagoo intaas ku daray in aysan shaqeynin koontooyinkaas oo hadda la joojiyay.

“Wax heshiis ah, wax kala wareegin ama arrimo ganacsi kama jirin xafiiska tan iyo 2015, xafiiska wuu furan yahay laakiin ma shaqeeyo,” Alan Garten ayaa sidaa yiri.

Trump wuxuu ganacsiyo kala duwan ku leeyahay Mareykanka iyo iyo meelo kale, waxaa kamid ah beeraha lagu ciyaaro Golf oo uu ku leeyahay Scotland iyo Ireland, hotel Five Star ah, wargayska New York Times waxaa uu soo wariyay in madaxweynaha Trump uu koontooyinka uu ku leeyahay dalalka; Shiinaha, Britain iyo Ireland ay wali sidii hore u furan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...