Qaramada Midoobay oo kaalmo lacag ah u qorsheysay fatahaadaha Soomaaliya.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka bani aadanimada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya UNOCHA ayaa lagu sheegay in Sanduuqa gargaarka bani aadanimada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya uu heley US$9.26 million lagu caawin doono ku dhowaad 300,000 oo kamid ah dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya.

Deeqdan muhiimka ah ayaa qeyb  ka ah dhaqaalaha Sanduuqa ugu talagalay Soomaaliya sanadkan 2020.

Deeqdan waxaa la sii marin doonaa hey’addaha gudaha iyo kuwo dibadda ee ka howlgala gobolada Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo loo kala eegi doono sida baahida ugu kala badan tahay degaanada.

“Deeqda ka timid Sanduuqa Qaramada Midoobe waxay hey’adaha gargaarka awood u siin doontaa in ay kordhiyaan barnaamijyada naf-badbaadinta ah gaar ahaan dadka sida daran u saameysay fatahaadaha ka dhacay dalka,” sidaas waxaa yiri Mr. Adam Abdelmoula, oo ah isu duwaha gargaarka bani aadanimada Soomaaliya.

$8.18 milyan oo lacagtaas kamid ah waxaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo; cuntada, Hoyga, xarumaha caafimaadka, biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, sidoo kale waxaa lagu xoojin doonaa daryeelka carruurta iyo ka hor tagga xadgudubka dumarka lagula kaco.

Iyadoo $1.08 million oo ah inta soo hartay ah, lagu qaban doono; caafimaadka iyo nafaqeynta dhallaanka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta.

“Durba, bulshooyinka liita oo isbedelka cimilada, Ayaxa iyo safmarka COVID-19 uu saameeyay waxay wajahayaan cunto iyo biyo la’aan, sidoo kalena waxay khatar ugu jiraan cudurada faafa sida shuban biyoodka iyo daacuunka,” Mr Abdelmoula ayuu mar kale yiri.

Sanduuqa gargaarka bani aadanimada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa $40.2 million ka heley dalalka; Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Kuuriyada LKoofureed, uxembourg, Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilli roobaadka deyrta oo ka bilowday gobolada dalka qaarkood sida degaanada Puntland iyo gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...