Madaxweynaha Kyrgyztan oo is casilay.

Date:

Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho la’aan ah
Madaxweynaha Kyrgyztan Sooronbai Jeenbekov ayaa khamiistan maanta ah, ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib markii dalkaas uu ku jirey todobaadyo qas iyo fowdo ah.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in sababta uu go’aankan u qaatay ay tahay in uu baajiyo iska hor imaad dhex maraya ciidanka iyo banaan baxyaasha dal banayay in uu xafiiska baneeyo.

Xufalada Madaxweyne Jeenbekov ayaa awoodda Baarlamaanka la wareegay doorashadii dhacday afarta bishan October, hase yeeshee doorashadaas waxaa xigay bannaan baxyo ugu dambeyn xukuumadda ku qasbay in ay waxba kama jiraan ka soo qaato natiijada doorashada.

Wuxuu ku baaqay Arbacadii shalay in mucaarad iyo muxaafid loo midoobo sidii dalka loo badbaadin lahaa, Jeenbekov wuxuu ogolaaday in Sadyr Japarov oo Baarlamaanka soo gudbiyeen in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha dalka, kaas oo todobaadkii hore taageeriyaashiisa ka soo daayeen xabsi, Mr. Japarov iyo xulafadiisa waxay dalbadeen in madaxweynuhu xafiiska baneeyo.

Kyrgyzstan, waa dal yar oo dhaca bartamaha Asia wuxuu ka tirsanaan jirey midowgii Sofiyeed, dalka waxaa uu soo maray sanado xasilooni daro dhanka siyaasadda ah. Jeenbekov wuxuu noqonayaa Madaxweynihii seddexaad oo xafiiska looga saaro cadaadis shacab tan iyo 2005.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...