Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS C/Raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay xasuuqi ka dhacay isgoyska Soobe,ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan ka hortagga falalka gurracan ee ay maleegayaan kooxaha nabad-diidka ee isu baheystay dhibaateynta shacbiga.
โ Markii aan arkay sida ay wax u dheceen, burburkii goobta iiga muuqday iyo dhaawaca ama dhimashada walaaleheen waxaa ii caddaatay in argagixisadu aysan wax arxan ah inoo heynin balse ay sugayaan in aan u midoowno, isla markaana qof waliba uu waajibkiisa ka soo boxoโ ayuu yiri Beyle.
Sii hayaha Wasiirka ayaaย dhacdadii Soobe ku tilmaamay mid xanuun badan oo taabatay shacbiga Soomaaliyeed,wuxuuna intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed uu la wadaagayo dareenka murugada leh ee lagu xasuusanaayo dhibaatadii iyo xasuuqii argagixisadu u geysatay walaalaha soomaaliyeed.
Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu gabagabadii dhambaal tacsi ah u diray Umadda Soomaaliyeed,gaar ahaa eheladada iyo qoysakii ay ka baxeen dadkii wax ku noqday qaraxii argagixisada ee 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-kii ka dhacay Magaalada Muqdisho