Ra’iisul wasaare Rooble oo sheegay in weji cusub loo wajahayo la dagaalanka Al-shabaab.

Date:

Ra’iisal wasaaraha Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Gole,ayaa maanta ka qeybgalay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay kaalinta culumada ee ka hortagga argagixisada , nabadenta iyo dib u heshiisiinta dalka.

Hadal uu kulankaasi ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble,waxa uu xusay dhibaatadii ka dhacday isgoyska Soobe ee 14-kii oktoobar iyo saeynta ay ku yeelatay bulshada,isagoo culumada ugu baaqay in ay xoogga isugu geeyaan sidii looga  fogaan lahaa fikirka qaldan ee xag-jirka.

Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdu ay u howlgaleyso xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo shacaka,isla markaana  la sameyn doono  kormeerro joogto ah oo qeyb ka ah habsami u socodka waxqabadka ciidamada.

R/Wasaare Rooble,waxa caddeeyay in  xukuumaddu ay la imaan doobto dib u habeyn xagga istraatiijiyadda ah oo lagula  dagaalami doono kooxaha  argixixisaa ah.

Mudane Rooble, waxa uu faray culimada  in ay ka shaqeeyaan raadinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Dalka ,isla markaana ay gacan ka geystaan la dagaalanka argagixisada,.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Aw-qaafta XFS iyo maamulka xarunta Madaxtooyada,waxaa lagu qabtay xarunta Tiyaatarka,iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen qeybaha culumada ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...