Bangiga adduunka oo 12 bilyan u qorsheeyay dalalka soo koraya si ay u helaan tallaalka Covid-19.

Date:

Bangiga Adduunka ayaa go’aan ku gaaray in 12 bilyan oo dollar la siiyo dowladaha soo koraya si ay u helaan tallaalka cudurka Corona Virus.

Guddoonka Bangiga adduunka ayaa sheegay in qorshahaan looga dan leeyahay in waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ay si dhaqso ah u helaan tallaalka Covid19.

12-kaan bilyan ayaa loo isticmaali doona iibinta  iyo qaybinta tallaalka cudurka corona, waxaana loogu tala galay inay ka faa’iideystaan dad gaaraya hal biyan oo qof.

Illaa iyo hadda majiro tallaal leysku raacsanyahay in loo isticmalo cudurka Covid-19 kaas oo ay aqoonsantahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaase tallaallo kala duwan soo saaray dalal badan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...