Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda oo tababar Diblomaasiyadeed u soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradda.

Date:

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah guddoonsiiyay shahaado diblomaasiyadeed todobo agaasime waaxeed oo ka mid ah 14 agaasime waaxeed ee Wasaaradda oo muddo labo bilood oo tababar ah u socday, kuwaasi oo si habsami leh u qaatay casharada, si joogta ahna u xaadiri jiray, halka todobada kale ay dib u qaadan doonaan daraasadda.

Danjire Cawad ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay ku talagalaysay in wax badan ay fuliso, hayeeshee feyruska Karoona uu carqaladeeyay howl-socodkii qorshayaashiisa oo ay ka mid ahayd in dalka la keeno tababarayaal Sweden u dhashay oo barnaamijyo tababar ku qabta Muqdisho, isagoo bogaadiyay Machadka Diblomaasiyadda iyo tababarayaashiisa oo kaalin weyn ka qaatay tababaridda agaasimeyeyaasha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiisha habmaamuus ee Madaxtooyada, Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koorsada diblomaasiyadeed oo si rasmi ah loo daah-furay 29 Febraayo, ayaa jadwalkeedu ahaa in la soo afjaro 29 Abriil si kor loogu qaado xirfadaha afar iyo tobanka agaasime waaxeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, balse feyruska Karoona ayaa u horseedday in Machadku qaato go’aan lagu hakinayay tababarka si kumeel-gaar ah, si loo hubiyo bedqabka, loona xaddido faafitaankiisa, waxaase koorsadu dib u bilaabatay horraantii November.

      

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...