Bannaanbaxyo ka socda dalka Ivory Coast.

Date:

Kumanaan qof oo ka mid ah taageerayaasha mucaaradkaa Ivory Coast ayaa isugu soo baxay caasimadda Abidjan, waxayna ka soo hor jeedaan qorshaha madaxweyne Alassane Ouattara uu markii sadexaad ugu tartamayo xilka madaxtinimada dalkaasi ku yaalla galbeedka Afrika. Xiisadda ayaa kor u sii kacaysa ka hor doorashada sida wayn loogu loolami doono.

Sadex todobaad ka hor xilliga codbixinta oo ah 31 bishan October, ayaa ku dhowaad 20,000 oo ruux waxaa ay isugu soo baxeen garoonka cayaaraha magaalada ganacsiga galabnimadii sabtida, ayagoo sitay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ka mid yihiin “dadku ma rabaan in xilli sadexaad oo sharci daro ah”

Ouattara, 78 sano jir ah, ayaa bishii August ku dhawaaqay in uu ka qaybgali doono doorashada ka dib markii ninka xisbiga talada haya ee RDHP u soo sharaxeen doorashada uu geeriyooday.

Go’aanka madaxwaynaha ayaa waxaa ka carooday mucaaradka, oo sheegaya in Ouattara uu ku xadgudbay dastuurka.

Ouattara ayaa xilka haya muddo 10 sano ah, dastuurka dalkaas ayaa qaba in madaxweynaha loo ogol yahay in labo xilli uu u tartami karo kursiga ugu sareeya dalka, hase yeeshee 2016 ayaa dastuurka wax ka bedel lagu sameeyay.

Golaha dastuurka dalka Ivory Coast ayaa sadex musharax oo keli ah u ogolaaday in ay ka qaybgalaan doorashada, waxaana kamid ah madaxweyne hore Henri Konan Bedie iyadoo dadka loo diiday doorashada uu ka mid yahay madaxweynihii hore Laurent Gbagbo.

In ka badan 3,000 oo ruux ayaa ku dhimatay rabshado ka dhashay doorashadii lagu murmay ee Ivory Coast 2010 ill 2011.

Mucaaradka ayaa shacabka ugu baaqay in ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah xukuumadda, sidoo kale waxaa ay qaadaceen ka qeybgalka doorashada.

“Talada aan madaxweyne  Ouattara siinayo waa in dadka reer Ivory Coast ka wadahadlaan arrintan. Waxaan rabnaa nabad. Dagaal ma doonayno ,” sidaa waxaa yiri Eve Botti, oo kamid ah taageeriyaasha xisbiga  mucaaradka ah ee FPI, oo Reuters la hadlay.

Horaantii todobaadkan, wakiilo ka kala socda; urur goboleedka galbeedka Afrika ECOWAS, Midowga Afrika  iyo QM ayaa tagay Abidjan ayagoo la kulmay saraakiisha mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Ururka  ICG ee xasaradaha adduunka ayaa ku baaqay in doorashada dib loo dhigo,isla markaana la saxo qaladaadka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHCABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY HESHIISKII LAGU DHISAY URUR GOBOLEEDKA IGAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan oo gaaray dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ku sii qul-qulaya dhulka...

Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim...