Heshiis xabbad joojin ah oo dhexmaray Armenia iyo Azerbajan.

Date:

Heshiiskani ay sida wadajirka ahi ay u gaareen labada dal ee Armenia iyo Azerbijan ayaa waxaa uu imaanaya, ka dabib markii wada hadallo muddo 10 saacadood socoday ay wada  yeesheen labadaasi dal iyo Russia oo waday dadaalada debloomaasi,waxayna ka dhaceen wada hadalada xabbad joojinta magalada Moscow ee caasimadda Russia sidaasina waxaa sheegay Sargey Levarov oo ah Wasiirka Arrimaha debadda ee dalka Russia.

Deblomaasi sare ee ka tirsan dowladda Russia ayaa isna waxaa uu sheegay in hayadda caalamiga ahi ee Laan Qeyrta Cas ay ka qayb qaadatay dhexdhexaadinta labada dhinac ee xabbad joojinta ku heshiiyay.

Mudadii labada todobaad ahayd ee colaadda ka socotay halka la isku fara saaray oo ah xadka u dhaxeeya labada dal ee Nagorono Karabakh ayaa waxaa ku geeriyooday dad tiradooda ay gaareeyso ilaa saddex boqol oo qof,dagaalkaasi ayaa sida dhabta ahi waxaa uuu bilowday 27kii bishii ina soo dhaaftay ee Sep,waxaana uu ahaa dagaal xoog badan oo qatartiisu ay badneeyd ,tan iyo 2016kii oo sido kale ka dhacay geyigaasi  dagaal kulul.

wada hadaladaasi debloomaasi ee lagu dhex dhexadinaya labada dal ee Armenia iyo Azerbijan ayaa waxaa kale oo dedaaladaasi dhexdhexaadinta  ka qayb qaatay Ururka Iskaashiga ee Midowga Yurub,labada Wasiir ee arrimo dibadeed oo iyaguna ka qayb galay kulanka dhex dhexaadinta ayaan la hadlin warfidiyeennada ka gadaal markii uu dhamaaday heshiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...