Agaasimaha IMF โ€œAfrika waa in laga caawiyaa dhaqaale xumada uu sababay COVID19โ€

Date:

Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in adduunka waajib ku tahay in uu caawiyo Afrika sida dhibaatadan uga soo kabtaan.

Afrika waxaa ay kamid tahay qaaradaha ugu saameynta yaraa feyraska corona.

Baanka adduunka ayaa sheegay in 43 milyan ay hadda khatar ugu jiraan saboolnimada uu sababay safmarka feyraska corona.

Saameynta dhaqaalaha waxaa ay sii jiri doontaa sanadaha soo socda qaaradda Afrika, sidoo kale shaqooyinka ayaa la waayi doonaa, dhakhliga qoysaska wuxuu hoos u dhici doontaa ilaa 12%, sidaa waxaa sheegtay Georgieva oo ka hadlaysay kulan aaladda fogaan aragga ku yeesheen saraakiisha IMF.

Dowladaha Afrika waxay sameeyeen siyaasado lagu yaraynayo khatarta taas oo lagu qiyaasay 2.5% dhakhliga gudaha ah.

IMF waxay dalalka Afrika siisay 26 bilyan oo dollar oo lagu yareynayo saameynta feyraska laakiin marka la eego baaxadda dhibaatada jirta waxaa loo baahan yahay dhaqaale intaas ka badan.

“Wadamada qaar daynta faraha badan oo lagu leeyahay darteed waxay ku qasbanaadeen in ay kala dooran wayaan in daynta iska bixiyaan ama in ay ka caawiyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,” agaasimaha IMF ayaa sidaa sheegtay.

Iyadoo arrintaas laga duulayo ayaa agaasimaha IMF waxay sheegtay in dalalka G20 looga baahan yahay in ay kordhiyaan xilliga deen bixinta sidoo kalena amaah hor leh siiyaan dalalka dhibaatada dhaqaale heysato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...