Agaasimaha IMF “Afrika waa in laga caawiyaa dhaqaale xumada uu sababay COVID19”

Date:

Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in adduunka waajib ku tahay in uu caawiyo Afrika sida dhibaatadan uga soo kabtaan.

Afrika waxaa ay kamid tahay qaaradaha ugu saameynta yaraa feyraska corona.

Baanka adduunka ayaa sheegay in 43 milyan ay hadda khatar ugu jiraan saboolnimada uu sababay safmarka feyraska corona.

Saameynta dhaqaalaha waxaa ay sii jiri doontaa sanadaha soo socda qaaradda Afrika, sidoo kale shaqooyinka ayaa la waayi doonaa, dhakhliga qoysaska wuxuu hoos u dhici doontaa ilaa 12%, sidaa waxaa sheegtay Georgieva oo ka hadlaysay kulan aaladda fogaan aragga ku yeesheen saraakiisha IMF.

Dowladaha Afrika waxay sameeyeen siyaasado lagu yaraynayo khatarta taas oo lagu qiyaasay 2.5% dhakhliga gudaha ah.

IMF waxay dalalka Afrika siisay 26 bilyan oo dollar oo lagu yareynayo saameynta feyraska laakiin marka la eego baaxadda dhibaatada jirta waxaa loo baahan yahay dhaqaale intaas ka badan.

“Wadamada qaar daynta faraha badan oo lagu leeyahay darteed waxay ku qasbanaadeen in ay kala dooran wayaan in daynta iska bixiyaan ama in ay ka caawiyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,” agaasimaha IMF ayaa sidaa sheegtay.

Iyadoo arrintaas laga duulayo ayaa agaasimaha IMF waxay sheegtay in dalalka G20 looga baahan yahay in ay kordhiyaan xilliga deen bixinta sidoo kalena amaah hor leh siiyaan dalalka dhibaatada dhaqaale heysato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...