WHO oo sheegtay in 10% bulshada caalamka uu ku dhacay Coronavirus.

Date:

Khuburada caafimaadka WHO ayaa sheegay in kiisaska cudurka Coronavirus ee laga diiwaan galiyey caalamka ay hadda sii dhaaftay 35-milyan oo ruux, taas oo la qiyaasayo inay gaarto ilaa 800 oo milyan, halka dadka u ka soo kabtay ay maayso 24.6 milyan, dhimashaduna ay gaartay 1.04 milyan, walina ay malaayiin ruux Isbitaalada la jiifaan, taasi waxay ka dhigantahay in 10% bulshada caalamka uu haleelay cudurku, sida uu xusay Mike Ryan oo ah agaasimaha xaaladaha deg dega ah ee hey’adda.

WHO waxay mar kasta ku doodaysaa  in tirada hadda la heyo ee cudurku uu haleelay ka badan tahay tan dhabta ah, waxaana kulan gaar ah oo saarakiisha WHO ku yeeshay xarunta hey’adda ee Geneva Switzerland kaga doodeen sida looga jawaabi karo safmarka COVID-19.

Toban bilood oo xaaladdan taagneyd ilaa iyo hadda ma jirto calaamad tilmaamaysa in u dhammaanayo cudurka. Wadamo dhowr ah waxaa hadda ay wajahayaan wajigii labaad ee cudurka ka dib markii xayiraadihii hore loo soo rogay la qafiifiyey, iyadoo hadda ay sii kordhayaan tirada kiisaska cudurka.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa hogaamiyeyaasha dunida ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo xakameyn lahaa safmarka coronavirus.

“In kasta oo waddammada oo dhan uu saameeyey fayraskan, waa in aan xusuusnaano in tani ay tahay cudur faafa oo aan sinnayn. Toban dal ayaa u dhigma 70% dhammaan kiisaska la soo sheegey iyo dhimashada seddex waddan oo keliya ayaa u dhigma kala bar, ” ayuu yiri.

Hab nololeedka bulshada caalamka ayuu cudurkan wax wayn ka badalay, waxaana adkaaday amaba qayb ahaan joogsaday isku socodka bulshaa caalamka, garoomada diyaaradaha ugu mashquulka badnaa caalamka ayaa la xiray, Iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha la isugu yimaado ayaa in badan oo ka mid ah wali ay cidlo yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...