Nigeria oo baareysa xad gudubyo ay ku kaceen ciidankeeda gaarka ah.

Date:

Wasiirka arrimaha booliiska dalka Nigeria Muhammad Maigari Dingyadi ayaa sheegay in ay jirto baaritaano ku saabsan eedeyn ka timid dhaqan xumo ay ku kaceen ciidanka gaarka ah ee ka hor tagga dhaca, kuwaas oo la sheegay in shacabka u geystaan xadgudubyo joogto ah.

Axaddii, Taliyaha booliiska Nigeria Maxamed Adamu waxaa uu shaqada ka joojiyay ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka dhaca ee loo yaqaano Anti Robbery Squad.
Waxaa baraha bulshada Nigeria waxaa qabsaday hal ku dhig ah ‘hala soo gabagebeeyo SARS kaas oo ka dambeeyay markii ciidankaas gaar ah dileen wiil yar xilli ay howlgal ka wadaan magaalada Lagos, sabtidii la soo dhaafay.

Waxaa horey jirey baaritaano dowladdu sheegtay in ay ku sameynayso ciidanka lagu eedeeyo in ay ku tacadiyaan shacabka hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaankaas. Bulshada Nigeria waxay doonaysaa in ay hesho xogta ku  saabsan natiijada baaritaanada dowladdu horey u sameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...