Mareykanka oo xulufo u sameysanaya dagaalka uu kula jiro Shiinaha.

Date:

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta oo Talaadadii ka bilaabay magaalada Tokyo kulamo uu la yeelanayo dhiggiisa Australia, India iyo Japan, iyadoo Washington ay dooneyso inay xoojiso taageerada xulafada gobolka maadaama xiriirka uu la leeyahay Shiinaha uu sii xumaanayo.

Safarkan, oo ah kii ugu horreeyay ee uu ku tago gobolka tan iyo bishii Luulyo 2019, ayaa loo dhimay oo hal maalin oo keliya lagu qaatay Japan, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump laga helay COVID-19. Pompeo wuxuu horey u qorsheeyay inuu aado Mongolia iyo South Korea sidoo kale.

Safarka Pompeo wuxuu ku soo aadayaa xili Washington iyo Beijing oo ah labada dhaqaale ee aduunka ugu sareysa ay isku maan dhaafeen arimo badan oo ka imanaya maamulka Beijing ee coronavirus ilaa sharci cusub oo amaanka lagu soo rogay Hong Kong iyo hamiga Koonfurta Shiinaha.

Arrintaan ayaa ku soo aaday xilli ay kulmeen wasiirada arrimaha dibada dalalka India,jaban,Australia, iyo sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka.

Washington waxay u aragtaa kulanka waxa loogu yeero Quad ee wasiirada arimaha dibada inuu yahay madal lagu xoojinayo mowqifkeeda xulafada gobolka wxaaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibada dowladda India sabrahmanyam Jaishankar,wasiirka arrimaha dibadda Jaban Toshimitsu Motegi,wasiirka arrimaha dibadda Australia Marise Payne iyo Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...