Taliska nabad-sugidda Jubbaland oo soo saaray digniino.

Date:

Taliska nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa shacabka iyo ganacsatada uga digay in ay u nuglaadaan hanjabaadaha uga imaanaya maleeshiyaadka Alshabaab.

Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland G/sare Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa uga digay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada reer Jubbaland in ay qaataan hanjabaadaha Al-Shabaab ay doonayaan in ay ku cabsi galiyaan Shacabka iyo ganacsatada si ay lacago uga qaadaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciddii argagaxisada Al-Shabaab ay la soo xiriiraan una hogaansanta awaamiirtooda ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

G/sare Khaalid ayaa ugu baaqay cid walba oo ay Al-Shabaab usoo hanjabto in ay la soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, lana damaanad qaadi doono ammaankooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...