Kulan duco ah oo wariye C/Qadir.M.Mursal loogu sameeyay Nairobi+”Sawirro”

Date:

Kullan loogu duceenayay Allaha u naxariistee, Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo dhawaan ku geeryooday dalka Mareykanka ayaa  lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya.

Kullanka oo ay ka soo qeybgaleen inta badan wariyaasha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ayaa loogu duceenayay, isla markaana lagu xasuusanayay AUN, Wariye C/qaadir Maxamed Mursal oo kamid ahaa rugcadaayaasha saxaafadda Soomaaliyeed balse dhowaan ku geeriyooday wadanka Mareykanka.

AUN, Wariye Mursal ayaa ka mid ahaa wariyayaashii ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho, isagoo sidoo kale mar aan sii fogeen  ka soo shaqeeyay Raadiyaha arrimaha bini’aadanimmada ka hadla ee Ergo ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi oo uu madax ka ahaa,qaar ka mid ah dadkii ay sida dhow u soo wada shaqeeyeen AUN, Wariye C/qaadir Maxamed Mursal ayaa ka sheekeeyay aqoonta ay u lahaayeen iyo waxyaabaha ay ku xusuustaan.

AUN, Wariye C/qaadir Maxamed Mursal ayaa 30 kii bishaan ku geeryooday wadanka Mareykanka, halkaas oo uu ku xanuunsanaa muddooyinkii dambe, iyadoo geeridiisana ay ka tacsiyadeen dhammaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...