Falastiin oo xir xirtay siyaasiyiin ay ku eedysay inay qeyb ka ahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraadka.

Date:

Xoogagga amniga Falastiin ayaa xirey tiro kamid ah taageeriyaasha siyaasiga Falastiiniga ah ee dibad joog ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Imaaraadka kala shaqeeyeen heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee dhowaan la saxiixay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.

Siyaasiga Mohammed Dahlan ayaa ku nool dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii laga musaafuriyay dhulka Isreal gumeysato ee daanta Galbeed 2011-kii, arrintaas oo timid markii si weyn isku khilaafeen Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo xisbigiisa Fatax oo Dahlaan xubin ka ahaa.

Dalalka khaliijka carabta ayaa dhowaan waxay heshiis la galeen qaarkood Isreal waxayna taasi abuurtay in Dahlan lagu eedeeyo in uu arrintaas door ku leeyahay.
Kooxda Dahlan ayaa dalalka Carabta ku dhaleeceysay xiriirka ay la yeesheen Isreal ka hor inta aan xal loo helin mushkuladda falastiin, hase yeeshee ma uusan inkirin doorkiisa ku aadan arrintan socota.

Isniintii, laamaha amniga Falastiin ayaa xeray todobo kamid ah taageeriyaasha kooxda Maxamed Dahlan, sida uu sheegay afhayeenka kooxdaas Imad Muxsin waxaa uu intaas ku daray in xariga dadkan ay siyaasad ku lug leedahay.

War qoraal ah, oo ka soo baxay laamaha ammaanka Falastiin ayaa lagu sheegay in Xalabi laga soo xirey xaafadda magaalada Nablus oo u dhow daanta galbeed waxaana lagu sheegay bayaanka in talaabadan ay qeyb ka tahay soo celinta amarka iyo kala dambeynta degaanka.

Qoraalka laguma xusin magaca dadka kale oo la soo xirey, wasaaradda arrimaha gudaha Falastiina ayaa sidoo kale ka gaabsaday in ay ka hadasho arrintan.
Madaxii hore ee ciidanka amniga jiidda Gaza, Dahlan ayaa muddo dheer ahaa ninka la aaminsanaa in uu bedeli doono Maxamuud Cabbaas ayaa xiriir weyn oo saaxiibtinimo ah la yeeshay Imaaraadka tan iyo intii uu musaafuris ahaan ugu noolaa wadankaas.

Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriri diplomaasiyadeed la saxiixday Isreal todobaadkii hore xaflad uu martigeliyay madaxweyne Trump.Heshiiska wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo dhex mara dalalka Carabta iyo Isreal muddo ka badan 20 sano, Falastiiniyiinta ayaa heshiiskaas ku tilmaamay khiyaano lagu sameeyay qadiyadda Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Hawlaha Guud oo Kulanka la qaatay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta...

Madaxweynahe Xasan Sheekh oo kulan dhiirragalin ah la qaatay Asad Xaajiyow

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumaadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...