Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhiggay Xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo waaxda Dad dhigista+SAWIRRO.

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dib u habeyn lagu sameynayo xarunta ciidanka ilaalada deegaanka Xamar iyo Dad dhigista ee degmada Shangaani.

Dhagax dhigga guddoomiyaha waxaa ku wehlinayay ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Mudane Cumar Cali Cabdi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka Xamar.

Taliyaha ilaalada deegaanka Xamar Cabdinaasir Maxamuud Indha-qarshe ayaa guddoomiyaha gobolka uga mahad-celiyay in maamulkiisu uu isku howlo sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta ilaalada deegaanka iyo waaxda Dad dhigista.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxda Dad dhigista muddo yar ka hor la dayactiray balse maadaama ay badda saarantahay ay ku dhaceen biyaha sidaasna ay ugu ekaatay in aan hore loo dayactirin isagoo sheegay in hadda ay dib u habeyn ku sameyn doonaan.

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...