Xoogga dalka oo gacan siiyay Ganacsatada magaalada Xudur.

Date:

Gawaari nooca xamuulka ah oo u rarnaa ganacsato, isla markaana xayirnaa in muddo ah, ayaa gaaray Magaalada Xuddur ka dib howlgallo miino sifeyn ah oo ciidamada xoogga dalka ee gobolka Bakool ay ka sameeyeen waddada isku xirta Quracjoome iyo Xuddur.

Ciidamada xooga dalka guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa howlgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka waddada ku saneeyey taas oo shacabka ku dhiiragelisey in si kalsooni ah waddada ku maraan.

Taliyaha Ururka 51-aad guutada 9-aad gobolka Bakool Deerow Macalin Cabdi ayaa sheegey u jeedada howgalkooda inuu ahaa badbaadinta nafta iyo hantida shacabka,wuxuuna intaasi ku daray in naftooda ay u hurayaan ilaalinta karaamada shacabka soomaaliyeed.

Labo maalin ka hor ayeey aheyd markii aa maleeshiyada Al-shabaab ay waddada geliyeen miino waxyeello gaarsiiyay dad shacab ah waxana arintaasi ay abuurtay  baqdin laga qabo isticmaala waddooyinka mara meelaha shabaabka ku dhuumaaleystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...