Ra’iisul wasaaraha Libiya Fayez al-Sarraj oo is casilaya.

Date:

Ra’iisul wasaaraha dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya Fayez al-Sarraj, ayaa sheegay in xilka ka degi doona dhammaadka bisha soo socota ee October isagoo xilka ku wareejin doona maamul cusub, waase haddi ay miro dhalaan wadahadalada siyaasadeed ee hadda socda kuwaas oo la doonayo in Libya loogu sameeyo dowlad wadaag ah.

Khudbad kooban oo uu telefishinka dowladda ka baahiyay ayuu arbacadii ku sheegay ra’iisul wasaare al-Sarraj in meel wanaagsan ay marayaan wadahadalada QM dhex dhexaadinayso ee u dhexeeyay dhinacyada isku haya dalka Libya, waxaa uu sheegay in wajigii loogu diyaar garoobayay dhismaha dowlad midnimo qaran hadda lagu jiro.

Al-Sarraj ayaa hogaaminayay dowladda heshiis qaran ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhisa caasimada Tripoli, waxayna dagaal kala dhexeeya kooxda uu hogaamiyo janaraalka falaagada ah ee Khalifa Xaftar oo ku xoogan bariga dalka.

Maleeshiyaadka Xaftar waxaa taageera dalalka; Imaaraadka Carabta, Masar iyo Russia kuwaas oo duulaan ku soo qaaday caasimadda Tripoli bishii Abril ee sanadkii 2019, si ay ugala wareegaan dowladda al- Sarraj Tripoli , laakiin gulufkaas waxaa fashiliyay dowladda Libya oo Turkiga taageero.

Cadaadis caalami ah ka dib wufuudadda labada dhinac waxaa lagu qasbay in ay kulmaan horaantii bishan, waxayna soo saareen heshiis hor u dhaca ah oo tibaaxaya in muddo 18 bilood gudahood la qabto doorasho isla markaana magaalada Sirte noqoto meel ciidan ka caagan.

Sirte oo ah magaalo xeebeed waxaa maamula Xaftar, waana halka laga dhoofiyo shidaalka Libya.

Maleeshiyaadka Xaftar ayaa joojiyay dhoofinta shidaalka dowladda Libya bishii Janaayo, taas oo aheyd isha dhaqaale ee ugu weyn dowladda, waxayna keentay arrintaas oo nolashada dadweynaha ciriiri gasho.

Si kastaba, wada xaajoodka u dhexeeyay dhinacyada Libya ayaa dhowaan mar kale ka bilaaban doona magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Banaan baxyo ayaa ka dhacay magaalada Tripoli, ka dib markii shaqada laga joojiyay wasiirka awooda badan ee arrimaha gudaha Fatxi Bashagha inkasoo markii dambe shaqadiisa loo fasaxay.

Iscasilaadda al-Sarraj ayaa abuurtay khilaaf gudaha ah oo u dhexeeya dowladda Libya, maleeshiyaad taabacsan saraakiil sar sare oo dowladda kamid ah ayaa la wareegay magaalo xeebeedka Misrata.

Al-Sarraj ayaa xukuumadda heshiis qaran hogaaminayay tan iyo markii la aas aasay 2015, waxayna ka dhalatay heshiiskii QM garwadeynka aheyd ee lagu doonayay in lagu islaaxiyo fowdadii ka dhalatay riditaankii Gaddafi ee 2011.

Inkastoo guul darooyin iyo itaal dari badan jirtay, haddana dowladda al-Sarraj hogaaminayay waxaa ay aheyd mid qun-yar socod ah marka loo barbar dhigo kooxda Xaftar iyo taageeriyaashooda ajnabiga ah.

Al-Sarraj, ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Tripoli ka dib booqasho uu ku tagay dalka sida weyn ugu taageera xukunkiisa ee Turkiga.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mowluud Jaawish Oglu (Mevlut Cavusoglu) ayaa khamiistan maanta sheegay in Turkiga iyo Russia ay ku heshiiyeen in xabbad joojin laga hirgeliyo Libya si loo dhiirigeliyo wadahadalada nabadda oo muddo dheer socday.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, ayaa shir saxaafadeed ka sheegay in dhinacyada Libya weydiistay in ay hanaan siyaasadeed oo cusub la yimaadaan.

“Hanaanka siyaasadda wuxuu u baahan yahay in dib boorka loo jafo isla markaana dib u dhaca doorashada laga dhigo mid la aqbali karo, waxaa jira calaamo yedaddiilo leh,” ayuu yiri Guterres.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...