Tirada bulshada caalamka ee uu ku dhacay Covid 19 oo gaartay 30 malyan.

Date:

Cudurka Covid-19 ayaa  galaaftay nolosha 940 kun oo qof oo daafaha dunida ku nool, tirada cudurkaan haleelayna waxay gaartay  30 milyan, sida ku cad warbixintii u  dambaysay ee Jaamacadda Johns Hopkins soo sartay maanta oo khamiis ah.

Dalka Mareykanka ayaa ugu sareeya liiska wadamada uu sida aadka ah u saameeyay karona, waxaana u dhintay dad gaaraya 197,000 oo qof,  halka tirada dadka cudurkaan qaba ay gaartay in ka badan 6.6 milyan.

Tirada dadka uu ku dhacay dalka Hindiya waxay kor u dhaaftay 5 milyan, illaa iyo haddana in ka badan 82 kun oo qof ayaa u dhimatay.

Dalka Brasil, oo kaalintaa seddexaad ku jira ayuu cudurku haleelay dad gaaraya  4.4 milyan, waxaana laga diiwaan geliyay inuu galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 134,000 ilaa iyo hada.

Dalalka Ruusha, Peru iyo Kolombiya ayaa iyaguna ku jira wadamada uu sida  saa’id u saameeyay saf-marka karoona.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...