Ciidamada Amniga Sudan oo xeray Dad abaabulayay qaraxyo.

Date:

Saraakiisha dalka Suudaan ayaa sheegtay in la xirey 41 Nin oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayaan tiro badan oo walxaha qarxa ah.

Waxyaabaha lagu qabtay waxaa kamid ah afar konteenar oo ay ku jirto maaddada kiimakaad ee Ammonium nitrate, oo ah tii sababtay qaraxyaddii bishii hore ka dhacay dekadda magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.

Dacwad oogaha dowladda ayaa sheegay in xaddiga kiimadan baabi’in karto magaalada Khartoum.

Afhayeen u hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in arrintan looga shakisan yahay in lagu waxyeeleeyo dowladda ku meel gaarka ah ee dalka iminka ka talisa, inkastoo uusan sheegin caddeyn rasmi ah oo eediisa loo daliishan karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...