Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta lagu wadaa inuu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee BFS.
Qoor Qoor ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadlayo arrimaha Galmudug, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka Muqdisho.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay dhammaan Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, isla markaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug xildhibanadan ay su’aallo weydiin doono Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.