Kumannaan qoys oo ku barakacay fatahaado cusub oo uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Date:

Waxaa kordhay qasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay Webiga Shabeelle oo ku fatahay illaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa SONNA u sheegay in ay fatahaadda Webiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa, kuwaas oo hadda u baahan kaalmo.

Dhul beereed badan oo ay ka baxayeen dalagyada Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuoocyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda Webiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan.

Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, xilli waddooyinka qaar ay biyo lixaad leh ay xireen, sida maamulka gobolku sheegay.

Fatahadda wabiga Shabeelle oo ku soo laalaabatay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa khasaaro maaliyadeed gaarsiisay bulshada gobolladaas oo markii horeba u nuglaa masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana ay fatahaaddu caqabad ku noqotay wax soo saarkii beeraha iyo hankii ay dadku ka lahaayeen inay koboc dhaqaale sameeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...