Trump oo cafinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku oogay Dad soomaali ah.

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ayaa la filayaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah kaasi oo sababay in xabsi loo taxaabo afar muwaadiniin soomaali ah, warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay in ay suurtogal tahay in cafis loo fidiyo Edward Snowden oo loo heysto kiis dhacay sanaddii 2013.

Trump ayaa difaacay Edward Snowden wuxuuna tilmaamay in dib loo eegi doono kiiska Snowden taasi oo loo fasirtay inuu damacsan yahay inuu cafis kusii deyn doono, “Waan maqlay in dad badani ay ii arkaan inaanan cadaalad sameyn, dadna waxey u arkaan inaan wax fiican sameeyay, marka si wanaagsan ayaan ula tacaamuleynaa” ayuu yiri Trump.

Edward Snowde ayaan ka fiigay Mareykanka tan iyo markii uu soo bandhigay codad sababay in xagjirnimo iyo Al-shabaabnimo lagu maxkamadeeyo afar qof oo Soomaali ah, Hey’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Edward Snowden uu oggolaanshiyo la’aan uu qabtay shaqadaasi.

Mar sii horreysay ayay Maxkamad Federaal ah xukuntay in Edward Snowden uu sharci darro sameyay, balse aysan waxa saameyn ah ku yellan doonin go’aanka lagu xeray soomalida dambiga lagusoo oogay, arrintaasina waxaa kal hore siyaabo kala duwan ugasoo horjeestay ururada xuquuqda Aaadanaha oo ku baaqay in xorriyaddooda lasiiyo dadkaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...