Qurba-joogta Jabuuti oo mashaariic horumarineed ka fulinaysa dalkooda.

Date:

Maal-qabeennada reer Jabuuti ee muddada dheer ku noolaa qurbaha ayaa haatan dalkooda dib ugu soo laabanaya, isla markaana maalgashi baaxad leh ku samaynaya,
Yaasiin Cawleed Faarax oo muddo dheer ku noolaa dalka Canada ayaa mashruuc baaxad leh oo dhismaha guryaha ah ka hirgaliyey deegaanka Lagaara oo 4-km u jira caasimadda Jabuuti, halkaas oo uu ka dhisay illaa 300-oo guri.

Dowladda Jabuuti ayaa siisay dhulka mashruucan oo wali socda laga fuliyey, si loo dhiiri galiyo maalgashiga, waxaana haatan socda dhamaystirka wajiga 1-aad ee mashruuca oo guryo deegaan ah ay ka helayaan qurba joogta dalka ku soo laabanaysa iyo bulshada maxaliga ah.

Yaasiin Cawleed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in mashruucan uu ku dhiiraday ka dib markii uu arkay qurba joogta Jabuuti iyo Soomaaliya oo guryo ka dhisanaya ama ka gadanaya dalaka Yurub, Canada iyo bariga Afrika, taas oo ay uga wacnaan lahayd inay dalkooda maalgashadaan.

Sidoo kale qurba joogta Jabuuti ku soo laabtay waxay maalgashi ku sameeyeen dhinacyada beeraha, kalluunka iyo dalxiiska, taas oo kordhisay shaqo abuurka iyo horumarka Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...