Fatahaadihii Baladweyne oo sanadkan ka hooseeya sanadkii hore.

Date:

Sanadihii uga dambeeyay waxaa si is daba joog ah u dhacayay fatahaadda Webiga shabeelle uu ka geysanayo magaalada Baladweyne. Waxaana ay fadahaaddaas saameyn dhinacyo kala duwan ah ku yeelataa bulshada.

Fatahaadihii hore wax dhaqa dhaqaaq ganacsi kama jirin magaalada iyadoo biyaha ay dul sabbeyn jireen laamiga, arrintaasi waxaa ay saameyn ku yeelatay bulsahda oo ka barakacay guryahoodii iyaga oo deegaameystay meel aan si fog uga dheereyn magaalada waxaa ay degeen ceel jaalle oo ay saldhig u tahay ciidamada Amisom ee Hiil walaal.

Sanadkan ayaa ugu curtay reer Baladweyne mid ka saameyn yar sanadkii hore iyadoo ay bulshada deegaanku ay siyaabo kala duwan qeyb uga nooqdeen dadaallo lagu dhimayay wax yeelidda biyaha ay deegaankooda. Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda deegaanka ayaa siyaabo kala duwan qeyb uga ahaa gurmadka biyaha xal loogu helayo.

culimada, wax garadka, ganacsato iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa siisku tashi ah u jideystay hannaan ay xoog iyo xoolaba ku mieynayaan, iyagoo markaasi magacaabay Guddi ka shaqeeya arrimaha Fatahaadaha oo ay laf-dhabar ka yihiin Ganacsatada degaanka iyo qurba-joogta.

Eng. Cabdirashiid Cali Cumar (Foodeey) oo ah shakhsiga gacanta ku haya arrimaha farsamada iyo xakameynta biyaha ayaa mar uu’ u warramayay Barnaamijka Falaqeynta SNTV u sheegay in haatan ay meel fiican mareyso xakameynta biyaha Webiga shabeelle.

Cabdirasiid waxaa uu sheegay in ay bixiyeen dadaallo wax ku ool ah oo dhimmay qasaaro badan oo dhici lahaa, isla markaana waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan ay xal kama dambeys ah u heli doonaan, isagoo ugu baaqay bulshada deegaanka in ay gacan kusiiyaan shaqada ay deegaanka u hayaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...