Wadahadallo u dhexeeya Dowladda Afghanistan iyo Taliban oo maanta ka furmaya magaalada Dooxa.

Date:

Magaalada Dooxa ee dalka Qatar maanta oo sabti ah waxaa ka furmaya wadahadalo nabadeed oo u dhexeeya dowladda Afghanistan iyo Taliban kaas oo lagu soo afmeeri doono dagaalka 20 sano ka socday dalkaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo ruux.

Xafladda furitaanka wadahadalka waxaa ka qeybgali doona xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana ay kusoo aadaysaa sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegatay weerarkii daarihii mantaanaha ee New York oo loo yaqaano 9/11(9/11/2001).
Saraakiil, diplomaasiyiin iyo falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in labada dhinac miiska wadahadalka la isugu keeno ayaa ah arrin guul ah.

“Wada xaajoodka wuxuu ka jawaabi doonaa su’aalaha waa weyn oo ay kamid tahay wadan noocee ah ayuu noqon doonaa Afghanistan” sidaa waxaa sheegay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Afghanistan, Deborah Lyons.

Bishii February ee sanadkan, Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Dooxa kaas iyadoo qodobada heshiiskaas ay kamid aheyd in xukuumadda Kabul iyo Taliban wadahadal ku dhameeyaan dagaalka ka socda dalkaasi.
Talian iyo Mareykanka ayaa ku heshiisay in ciidanka ajnabiga ah ee dalkaas jooga laga saari doona marka ah heshiis wada galaan kooxda Taliban iyo Afghanistan.

Madaxweyne Trump ayaa doonaya in doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ka hor uu soo gabagebeeyay dagaalka Mareykanka uu hormuudka ka yahay ee Afghanistan ka socda. Dagaalka Afghanistan waxaa lagu dilay 2,300 oo askari oo Amerikaan ah tan iyo 2001 iyadoo in ka badan 100,000 oo shacab ah lagu dilay colaadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...