Wadahadallo u dhexeeya Dowladda Afghanistan iyo Taliban oo maanta ka furmaya magaalada Dooxa.

Date:

Magaalada Dooxa ee dalka Qatar maanta oo sabti ah waxaa ka furmaya wadahadalo nabadeed oo u dhexeeya dowladda Afghanistan iyo Taliban kaas oo lagu soo afmeeri doono dagaalka 20 sano ka socday dalkaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo ruux.

Xafladda furitaanka wadahadalka waxaa ka qeybgali doona xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana ay kusoo aadaysaa sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegatay weerarkii daarihii mantaanaha ee New York oo loo yaqaano 9/11(9/11/2001).
Saraakiil, diplomaasiyiin iyo falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in labada dhinac miiska wadahadalka la isugu keeno ayaa ah arrin guul ah.

“Wada xaajoodka wuxuu ka jawaabi doonaa su’aalaha waa weyn oo ay kamid tahay wadan noocee ah ayuu noqon doonaa Afghanistan” sidaa waxaa sheegay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Afghanistan, Deborah Lyons.

Bishii February ee sanadkan, Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Dooxa kaas iyadoo qodobada heshiiskaas ay kamid aheyd in xukuumadda Kabul iyo Taliban wadahadal ku dhameeyaan dagaalka ka socda dalkaasi.
Talian iyo Mareykanka ayaa ku heshiisay in ciidanka ajnabiga ah ee dalkaas jooga laga saari doona marka ah heshiis wada galaan kooxda Taliban iyo Afghanistan.

Madaxweyne Trump ayaa doonaya in doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ka hor uu soo gabagebeeyay dagaalka Mareykanka uu hormuudka ka yahay ee Afghanistan ka socda. Dagaalka Afghanistan waxaa lagu dilay 2,300 oo askari oo Amerikaan ah tan iyo 2001 iyadoo in ka badan 100,000 oo shacab ah lagu dilay colaadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...