Xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda deggan kadib markii ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab oo saakay waaberigii weerar ku soo qaaday baro koontarool oo ku yaalla duleedka degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaraka ayaa sheegay in ay deggan tahay xaaladda Degmadaasi, ciidamaduna ay hadda joogaan talisyadii iyo goobihii kale baraha koontaroollada ee degmadaasi.
Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 14-ruux oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,isla markaana uu ku jiray horjoogihii u qaabilsanaa Howlgalada Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Hal askari ayaa ka dhintay ciidamada xoogga, halka uu dhaawac ka soo gaaray dhowr qof oo rayid ah.