Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka “Sanadkan si xooggan ayaanu ula dirirnay Musuq maasuqa.

Date:

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladdu ay sanadkan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taas oo kor u qaadday sumacada Dalka.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda caddaaladda ayaa sheegay in hay’addaha caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dedaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Dr. Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya sanad kasta ay kaalinta koowaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka, xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan  ay sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca musaqa ah.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno kala duwan ku ridday qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal awoodeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...