Sii hayaha RW dalka gudoomiyey shir looga hadlayo dhaqaalaha iyo geedi socodka dayn cafinta

Date:

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka, kaas oo ay ka qayb galeen sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha Bankiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha.

Shirka waxaa looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay xanuunka COVID19, iyo sidii dib u kabasho dawladdu uga samayn lahayd dakhliga, ganacsatadana dib loogu xoojin lahaa.

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo hay’adda IMF, kaas oo qayb ka ah geedi socodka dayn cafinta, laguna hubinayo in dawladda Soomaaliya ay ka soo dhalaashay tallaabooyinkii lagu balamay in sanad waliba la qaado.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirkani uu muhiim u yahay dib u habaynta dhaqaalaha dalka, islamarkaana xukuumaddu ay ka shaqaynayso horumarinta dhaqaalaha, dawlad wanaagga, taas oo dalka gaarsiinaysa koboc maaliyadeed.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha, loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...