Mid ka mid ah Malleeshiyada Al-shabaab oo isku dhiibay maamulka Gobolka Baay.

Date:

Maxamed Cabdi Xasan, oo ka tirsan maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ka howlgala Gobolkaasi.

Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada ayaa soo dhoweeyay ninkaasi ka tirsanaa Al-shabaab oo sidoo kale la soo baxsaday hubkii uu ku howlgali jirey intii uu kamid ahaa kooxda nabad diidka.

Maxamed waxaa uu ka howlgali jirey degaannada hoostaga degmada Qansax-dheere, wuxuuna hadda go’aansaday in uu ka haro isla markaana ka faa’ideysto cafiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu u fidiyay maleeshiyaadka ka tirsan kooxaha argagaxisada ah.

Muddooyinkan dambe, waxaa isa soo tarayay maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku soo biiraya shacabka, iyadoo arrintaas khubarada dhanka amniga ay ku faaleeyeen in ay sababtu tahay ciidanka oo kordhiyay howlgalada ka dhanka ah argagaxisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...