Madaxweynaha Hirshabeelle oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Degmada Warshiikh.+Sawirro.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedkaย  Hirshabeelleย  Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay halkaasi.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayeen Wasiirka dib u heshiisiinta Dowladda Hirshabelle, wasiir ku xigeeno,xildhibaano,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo Masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle, waxaa Warsheekh kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo xubno kale.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xarigga ka jaray mashaariic dan guud ah oo laga hirgeliyay Degmada Warsheekh, isagoo sidoo kale daahfuray gogol dib u heshiisiineed oo beelaha dega degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

Madaxweynaha Hirshabelele ayaa Degmada Warsheekh kula kulmay Maamulka Degmadaas iyo Xildhibaanada Golaha deegaanka,waxa uuna kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen midnimada iyo ammaanka degmada ku taal xeebta Badweynta Hindiya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale