Madaxweynaha Hirshabeelle oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Degmada Warshiikh.+Sawirro.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay halkaasi.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayeen Wasiirka dib u heshiisiinta Dowladda Hirshabelle, wasiir ku xigeeno,xildhibaano,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle, waxaa Warsheekh kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo xubno kale.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xarigga ka jaray mashaariic dan guud ah oo laga hirgeliyay Degmada Warsheekh, isagoo sidoo kale daahfuray gogol dib u heshiisiineed oo beelaha dega degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

Madaxweynaha Hirshabelele ayaa Degmada Warsheekh kula kulmay Maamulka Degmadaas iyo Xildhibaanada Golaha deegaanka,waxa uuna kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen midnimada iyo ammaanka degmada ku taal xeebta Badweynta Hindiya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...