Ciidamada Amniga Gaalkacyo oo faah faahiyay howlgal ay kusoo qabteen waxyaabaha Maanka-dooriya.

Date:

Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyayaal si sharci darro ah looga ganacsanayay xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Howlgalkaan oo qayb ka ah qorshaha xoojinta amniga iyo nabad galyada gobalka Mudug waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida gobalka Mudug, howlgalkaas oo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan  magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo sameeyay xog uruurin iyo baaritaanno ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha maanka-dooriya oo ay ka mid yihiin Qamri iyo Xashiish aad u fara badan, oo si sharci darro ah lagu soo galiyay magaalada Gaalkacyo.

Taliyayaasha qaybta Booliiska iyo nabad sugidda gobalka mudug, G/sare Cabdirasaaq maxamuud sheekh yuusuf (faracadde) iyo G/dhaxe qaasim shirdoon cali iyo ayaa ugu horreyn warbaahinta qaranka uga warbixiyay howlgalka iyo sida ciidamada amnigu ugu guulaysteen.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska galmudug G/sare maxamed nuur cali  ayaa isagana xusay in Qamriga iyo xashiishku ay yihiin kuwa qeyb ka qaata amni darrada iyo falalka dhaqan xumada ah, ee mudooyinkaan danbe ku soo kordhay Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobalka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye  ayaa isaguna boggaadiyay kaalinta ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda ay ka qaateen amniga gobalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...