Ciidamada Amniga Gaalkacyo oo faah faahiyay howlgal ay kusoo qabteen waxyaabaha Maanka-dooriya.

Date:

Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyayaal si sharci darro ah looga ganacsanayay xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Howlgalkaan oo qayb ka ah qorshaha xoojinta amniga iyo nabad galyada gobalka Mudug waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida gobalka Mudug, howlgalkaas oo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan  magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo sameeyay xog uruurin iyo baaritaanno ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha maanka-dooriya oo ay ka mid yihiin Qamri iyo Xashiish aad u fara badan, oo si sharci darro ah lagu soo galiyay magaalada Gaalkacyo.

Taliyayaasha qaybta Booliiska iyo nabad sugidda gobalka mudug, G/sare Cabdirasaaq maxamuud sheekh yuusuf (faracadde) iyo G/dhaxe qaasim shirdoon cali iyo ayaa ugu horreyn warbaahinta qaranka uga warbixiyay howlgalka iyo sida ciidamada amnigu ugu guulaysteen.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska galmudug G/sare maxamed nuur cali  ayaa isagana xusay in Qamriga iyo xashiishku ay yihiin kuwa qeyb ka qaata amni darrada iyo falalka dhaqan xumada ah, ee mudooyinkaan danbe ku soo kordhay Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobalka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye  ayaa isaguna boggaadiyay kaalinta ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda ay ka qaateen amniga gobalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...