Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha Hoose ku dilay horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Date:

Ciidanka kumaandooska ayaa howl-gal ay ka sameeyeen deegaanka daarusalaam gobolka shabeelada hoose ku dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal argagixisada katirsan.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa udaatay goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.kaddib markii ay ka warheleen in argagixisadddu ay isku uruursanayaan deegaanka Daarusalaam ee hoosyimaado Degmada Awdheegle ee gobolka shabeelada Hoose waxaana ay ugaleen iyagoon kavwarqabin maleeshiyaadkii is uruursanayay kuwaasi oo marqura ku baraarugay ciidanka oo kor jooga waxaana ay ciidanka xooga ku dileen labo horjooge iyo todobo maleeshiyaad ah oo argagixisada ka tirsanaa.

Sidoo kale ciidanka kumaandooska ee xoogga dalka ayaa gabin ahaanba bur-buriyay halkii ay argagixisada isku uruursanayeen iyagoo gacanta ay ku dhigay hub iyo saanad kale oo ciidan.

Sida uu idaacadda ciidamadda qalabka sida usheegay taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Dhinaca taliye Ismaaciil ayaa hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii firxadka ahaa ee ka baxsanayay deegaanka daarusalaam kuwaasi oo waxyeelo xooggan ay ka soo gaartay duqeynta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...