Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u furay shirka wadatashiga DFS iyo Dowlad gobolleedyada.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariyey oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Dowlad Goboleed ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan, isaga oo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen masuuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii ka soo baxay Shirkii horey ugu qabsoomay Dhuusamareeb Bishii Luuliyo ee sanadkan.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyada oo Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. Sida aad wada ogsoontihiin waxaa ilaa hadda nagala soo qeyb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...