Ururka Dalxiiska Adduunka oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Agaasimihii Dalxiiska Cabdirisaaq Cabdullaahi.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay ururka Dalxiiska Adduunka (UNWTO) oo xarun ku leh magaalada Madrid ee caasimadda Dalka Spain oo Nuqul kamid ah ay heshey Wakaaladda (SONNA) ayaa looga hadlay geeridii ku timid agaasimihii waaxda Dalxiiska ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya,marxuum Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi,oo ku shahiiday weerar argagixisadu ay ka geysteen Liido.

Waxay uga tacsiyadeeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda,ehelada iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cabdirisaaq.

“Dalxiisku waa qeyb muhiim ah,Malaayiin dad ah ayaa noloshooda ku maareeya oo ku tiirsan,weerarada nuucan ahna kaliya ma ahan xadgudub ka dhan ah sharafta iyo karaamada Aaadanaha,balse sdioo kale waa jariimo ka dhan ah dhaqaalaha,taasi oo ka imaanaysa burburinta hantida dadweynaha iyo dhismayaasha”.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Aadan Isaaq Cali Wafdin uu hoggaaminayay oo uu qeyb ka ahaa Cabdirisaaq ayaan la kulanay,oo shir maalgashi ah nagala qeybgaleen”. ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay ururka Dalxiiska Adduunka ee QM.

Ururka ayaa sheegay in ay wadashaqeyn fiican la lahaayeen waaxda Dalxiiska Soomaaliya,iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in halkaasi laga sii amba qaado,waxayna u rajeeyeen dadka Soomaaliyeed ee isbitaalada ku jira in ay dhaqsi bogsoodaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...