Shirka wadatashiga wejiga labaad ee tirakoobka shaqaalaha Dowladda oo maanta lagu qabtay Muqdisho+Sawirro.

Date:

Sii hayaha xilka Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa maanta guddoomiyay shirka wadatashiga wajiga labaad ee tirakoobka shaqaalaha Dowladda oo Xafiiskiisa kula yeeshay Guddiga shaqaalaha rayidka ee Dowladda.

“Maanta, waxaan wada-tashi ka yeelanay daahfurka wajiga labaad tirakoobka madax ka tiriska ah ee Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda. Waxaa la tiri koobi doonaa Hay’addaha aan Shaqaalahooda marin wajiga koowaad ee tirakoobka ayuu yiri sii hayaha wasiirka shaqada Mudane Xirsi warfaa.

Sidoo kale sii hayaha xilka wasiirka shaqahada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa Waxa uu uga  mahadceliyay guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka doorka ay ka qaadanayaan dadaallada ku aaddan horumarinta Shaqaalaha dowladda,iyada oo aan la helin shaqaale Dowladeed oo karti leh inta badan dedaallada nabadda, Amniga iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ma noqon karaan kuwa miro-dhala.

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...