Ciidanka Danab oo soo furtay in ka badan 30 caruur ah.

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka qeybtiisa Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Dagmada Kuntuwaarrey ee Gobalka Shabeellada hoose waxey ku soo furteen 33 Carruur ah oo aan qaangaar ahayn, kuwaas oo ay si qasab ah uga soo wateen waalidiintooda malleeshiyada Al-shabaab si ay u baraan afkaarta xagjirnimada ah ee ay aaminsanyihiin.

Ciidamada ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta dagmada waxay tageen xerada lagu hayay carruurtaan iyagoo markii soo furteen si nabad ah ugu wareejiyay eheladooda.

Sidoo kale Howlgalka oo bartilmaameedkiisu ahaa Horjoogeyaal iyo rag lagu dabajoogay oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo qabqabtay Tobaneeyo ka tirsan Xagjirka Alshabaab oo qaarkood ku xirnaa Saldhiga Dagmada.

Inta Howlgalka ay ciidamadu ku guda jireen ayay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha ay Al Shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, waxaana halkaas laga qabtay Miinooyin iyo Maadooyin farabadan oo qaraxyada loo adeegsado.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lasii qorsheeyay islamarkaana uu sii socon doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...