Ciidanka Danab oo soo furtay in ka badan 30 caruur ah.

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka qeybtiisa Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Dagmada Kuntuwaarrey ee Gobalka Shabeellada hoose waxey ku soo furteen 33 Carruur ah oo aan qaangaar ahayn, kuwaas oo ay si qasab ah uga soo wateen waalidiintooda malleeshiyada Al-shabaab si ay u baraan afkaarta xagjirnimada ah ee ay aaminsanyihiin.

Ciidamada ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta dagmada waxay tageen xerada lagu hayay carruurtaan iyagoo markii soo furteen si nabad ah ugu wareejiyay eheladooda.

Sidoo kale Howlgalka oo bartilmaameedkiisu ahaa Horjoogeyaal iyo rag lagu dabajoogay oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo qabqabtay Tobaneeyo ka tirsan Xagjirka Alshabaab oo qaarkood ku xirnaa Saldhiga Dagmada.

Inta Howlgalka ay ciidamadu ku guda jireen ayay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha ay Al Shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, waxaana halkaas laga qabtay Miinooyin iyo Maadooyin farabadan oo qaraxyada loo adeegsado.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lasii qorsheeyay islamarkaana uu sii socon doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...