Cameroon: caro ka dhalatay gabar Da’ yar oo loo dilay si arxan darro ah.

Date:

Kooxaha xuquuqul insaanka dalka Cameroon ayaa Arbacadii cambaareeyay dilka gabar ka soo jeeda gobolka Af-Ingiriiska lagaga hadlo ee dalkaas, muuqaal baraha bulshada la soo geliyay ayaa lagu arkay koox ka tirsan gooni u goosadka gobolkaas oo gabadha qoorta ka gooyay.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqday gabadha oo gacamaheeda gedaal loo xirey ka dibna baagad lagu kala gooyay luqunteeda waxayna meydka soo dhigeen waddada bartamaheeda.

Xarunta xuquuqul insaanka iyo demoqraadiyadda Afrika oo fadhigeedu yahay Cameroon ee CHRD ayaa sheegtay in dhibanaha ay aheyd 35 sano jir hooyo u ah afar caruur ah Talaadadii lagu dilay magaalada Muyunka, falkaas oo ay geysteen dagaalamayaal ka tirsan gooni u goosadka gobolka kuwaas oo ku eedeeyay in ay u basaasaysay dowladda.

Colaadda u dhexeysay kuwa doonaya in gobolka Af-Ingiriiska lagaga hadlo ee Camaroon uu ka madax banaanaado dalka intiisa kale iyo dowladda dalkaas ayaa waxaa ku dhintay 3,000 oo ruux tan iyo 2017 labada dhinac midba kan kale ayuu ku eedeeyaa xadgudubyada dhanka ah shacabka.

Agaasimaha CHRDA Felix Agbor Nkongho ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dhacdadan ay sii xumeyn karto xaaladda nabad geliyo ee gobolka af-ingiriiska lagaga hadlo ee Koofur galbeed iyo waqooyi galbeed ee dalka Camaroon.

“Waxaa kordhay xadgudubyada loo geysto shacabka gaar ahaan dumarka,” ayuu yiri.

Ilaria Allegrozzi, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan hey’adda Human Rights Watch, ayaa madaxda mucaaradda ugu baaqay in ay gacan ka geystaan isla markaana joojiyaan weerarada ka dhanka ah shacabka.

Kooxda ugu weyn mucaaradka ayaa war qoraal ah ku sheegay in baaritaananda hor u dhaca ah ifinayaan in dilka uu la xiriiro muran soo kala dhexgalay qoys ee uusan wax xiriir ah la laheyd halgankooda, laakiin waxaa ay sameyn doonaan baaritaan dheeraad ah.

Cho Ayaba, oo ah hogaamiyaha kooxaha gooni u goosadka, ayaa sheegay in lagu wargeliyay in dilka uu fuliyay qof kamid ah maleeshiyaadka mucaaradda ah isla markaana xabsiga loo tabaaxay.

“Waa wax aan la aqbali Karin in qof la jir-dilo kadibna la dilo xataa haddii uu yahay sarkaal militiri oo la soo qabtay,” ayuu yiri.

Todobaadkii hore, shaqaale gargaar oo u dhashay Cameroon ayaa lagu dilay gobolka Waqooyi Galbeed ee dalkaas, safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo arrintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...