Cameroon: caro ka dhalatay gabar Da’ yar oo loo dilay si arxan darro ah.

Date:

Kooxaha xuquuqul insaanka dalka Cameroon ayaa Arbacadii cambaareeyay dilka gabar ka soo jeeda gobolka Af-Ingiriiska lagaga hadlo ee dalkaas, muuqaal baraha bulshada la soo geliyay ayaa lagu arkay koox ka tirsan gooni u goosadka gobolkaas oo gabadha qoorta ka gooyay.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqday gabadha oo gacamaheeda gedaal loo xirey ka dibna baagad lagu kala gooyay luqunteeda waxayna meydka soo dhigeen waddada bartamaheeda.

Xarunta xuquuqul insaanka iyo demoqraadiyadda Afrika oo fadhigeedu yahay Cameroon ee CHRD ayaa sheegtay in dhibanaha ay aheyd 35 sano jir hooyo u ah afar caruur ah Talaadadii lagu dilay magaalada Muyunka, falkaas oo ay geysteen dagaalamayaal ka tirsan gooni u goosadka gobolka kuwaas oo ku eedeeyay in ay u basaasaysay dowladda.

Colaadda u dhexeysay kuwa doonaya in gobolka Af-Ingiriiska lagaga hadlo ee Camaroon uu ka madax banaanaado dalka intiisa kale iyo dowladda dalkaas ayaa waxaa ku dhintay 3,000 oo ruux tan iyo 2017 labada dhinac midba kan kale ayuu ku eedeeyaa xadgudubyada dhanka ah shacabka.

Agaasimaha CHRDA Felix Agbor Nkongho ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dhacdadan ay sii xumeyn karto xaaladda nabad geliyo ee gobolka af-ingiriiska lagaga hadlo ee Koofur galbeed iyo waqooyi galbeed ee dalka Camaroon.

“Waxaa kordhay xadgudubyada loo geysto shacabka gaar ahaan dumarka,” ayuu yiri.

Ilaria Allegrozzi, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan hey’adda Human Rights Watch, ayaa madaxda mucaaradda ugu baaqay in ay gacan ka geystaan isla markaana joojiyaan weerarada ka dhanka ah shacabka.

Kooxda ugu weyn mucaaradka ayaa war qoraal ah ku sheegay in baaritaananda hor u dhaca ah ifinayaan in dilka uu la xiriiro muran soo kala dhexgalay qoys ee uusan wax xiriir ah la laheyd halgankooda, laakiin waxaa ay sameyn doonaan baaritaan dheeraad ah.

Cho Ayaba, oo ah hogaamiyaha kooxaha gooni u goosadka, ayaa sheegay in lagu wargeliyay in dilka uu fuliyay qof kamid ah maleeshiyaadka mucaaradda ah isla markaana xabsiga loo tabaaxay.

“Waa wax aan la aqbali Karin in qof la jir-dilo kadibna la dilo xataa haddii uu yahay sarkaal militiri oo la soo qabtay,” ayuu yiri.

Todobaadkii hore, shaqaale gargaar oo u dhashay Cameroon ayaa lagu dilay gobolka Waqooyi Galbeed ee dalkaas, safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo arrintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...