Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Guddiga Farsamada ee oo xilsaaray ka soo tala bixinta hannaanka doorashada dalka “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta la kulmay Guddiga farsamada ee loo xilsaaray ka soo talo bixinta hanaanka Doorashooyin ku qabsooma waqtigooda oo lagu Aas-aasay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Kulanka oo ahaa is xog wareysi iyo in guddiga lagu dhiirigaliyo habsami usocodka howlaha culus ee horyaala ayaa waxaa la isla gartay.sidii ay u soo saari lahaayeen talooyin wax ku ool ah oo danta dadka iyo dalka ay ku jirto iyo inay muujiyaan doorka ugu wayn ay ku leeyihiin qabsoomida shirka  Dhusamareb 3 oo la filayo in uu qabsoomo 15 Bishan.

Madaxweynaha Hirshabeelle  Dr  Maxamed Cabdi Waare ayaa markale uga mahad celiyay guddigaan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay Ummadda u hayaan, isagoo sheegay dib dhac ku yimaada shirka ay u wanaagsaneyn rajada ummadda ka qabto doorashada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...